Neefsashada adag
Mid ka mid ah astaamaha ugu caansan ee COVID-19 waa neefsashada adag, qofka wuxuu dareemi karaa sidii inay neefta ku dhagantahay oo kale oo uusan neefsa karin.
Kiisaska COVID-19 way ku kala duwan yihiin darnaanta calaamaddaan, dadka qaar waxay ku bogsadaan guriga, halka kuwo kalena ay u baahan yihiin daryeel deg deg ah oo ah in la daaweeyo laguna xiro oksijiin.
Waxyaabaha qaar ayaa laga yaabaa inay qofka ka caawiyaan in uu ogaado in neefsashada adag ay ka dhalatay COVID-19 ama ay jiraan arrimo caafimaad oo kale oo keenay, maqaalkaan ayaan ku arkeenaa qaar ka mid ah waxyaabahaas.
Waxaan sidoo kale eegaynaa sida COVID-19 u sababi karo neef qabashada, siyaabaha lagu yareey karo xaaladdaan, iyo marka qofka uu u baahanyahay inuu raadsado daryeel caafimaad.
Sidee ayuu dareemayaa qofka?
Dadka si kala duwan ayay u dareemaan neefsashada adag , dadka qaar waxay ku sifeeyaan in neefta ay ka maqantahay oo kale, qaar kale waxay dareemaan in neefta ay ku yartahay, ama aysan qaadan karin neef ku filan.
Qofka wuxuu kaloo dareemi karaa ciriiri dhanka xabadka ah, gaar ahaan marka uu isku dayaayo inuu neef qaato ama uu neefsado.
Calaamadahaan waxay dhici karaan marka qofka uu sameenaayo dhaq dhaqaaqa jirka, in kastoo sidoo kale la arki karo xilliyada nasashada.
Astaamaha kale ee COVID-19
COVID-19 wuxuu sababi karaa calaamado kala duwan. Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in calaamadaha ugu badan ay yihiin qandho, qufac qallalan, iyo daal.
Calaamadaha kale ee COVID-19 waxaa ka mid ah:
- Qandho
- Qar qaryo
- Qufac qallalan
- Murqo xanuun
- Madax xanuun
- Dhuun xanuun
- Diif
- Neefsashada oo adag
- Dhadhanka ama urka oo tago
- Lalabo
- Matag
Calaamadaha ugu badan ee aan u baahnayn isbitaal waa: daalka, madax xanuunka, iyo murqo xanuunka.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in dhadhanka ama urka uu ka tago 33% dadka qaba COVID-19 waxayna si gaar ah ugu badan tahay dumarka iyo dadka da’da yar.
Xaaladaha daran ee u baahan daryeelka deg degga ah, neefsashada adag ayaa laga yaabaa inay la socdaan:
- Xanuun joogto ah ama ciriiri dhanka laabta ah
- Jahwareer
- Qandho xad dhaaf ah
- Hadalka iyo dhaq dhaqaaqa oo adkaado
- Hurdo la’aan
- Faruuraha ama wajiga oo uu midabkooda is badalo
Guud ahaan, waxaa muhiim ah in maskaxda lagu haayo in COVID-19 uu lahaan karo astaamo aan caadi ahayn iyo in astaamaha ay aad ugu kala duwanaan karaan dadka.
Sidee ayay ku imaataa neefsashada adag?
Neefsashada adag waxa ay imaataa marka COVID-19 uu saameeyo sambabada, caadiyan sambabada waxay helaan oksijiin marka qofka uu qaato neef, waxayna oksijiinta u gudbiyaan xididada dhiigga.
Oksijiinta ayaa ka dib gasho dhiigga waxayna gaartaa jirka intiisa kale, sambabada ayaa sidoo kale jirka kasoo saaro hawada kaarboonka (Carbon dioxide) ka dibna bannaanka ayaa loo bixiyaa.
Marka fayraska uu galo sambabada si dhakhso ah ayuu u faafaa waxaana laga yaabaa inuu saameeyo unugyada marinnada hawada. Nidaamka difaaca jirka ayaa sidoo kale ka falceliyo caabuqa ka dibna wuxuu soo daayaa unugyo la dagaallamo fayraska, ka dibna waxaa imaado barar.
Bararkaan iyo sidoo kale dhaawaca uu fayraska u geeysanaayo unugyada sambabada ayaa waxay joojisaa isku socodka neefta iyo oksijiinta, waxaa kaloo dhacdo in dheecaannada ka dhasho bararka ay ku aruuraan sambabada, ka dibna shaqadi sambabada ay sidaas ku joogsato.
Waxaa muhiim ah in lala socdo heerarka iyo is bedellada neefsashada adag, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inay marka hore ku bilaabato si fudud laakiin ka dib ay noqoto mid daran oo u baahan daryeel caafimaad oo deg deg ah.
Neef qabashada xad dhaafka ah ayaa laga yaabaa inay calaamad u tahay in dhaawac weyn uu sii gaaraayo sambabada, taasoo horseedi karto in sambabada ay howl gab noqdaan qofkana u baahdo in haanta oksijiinta uu ku neefsado.
Marka laga bogsado COVID-19, dadka qaar waxay la sii kulmaan astaamaha COVID-19 oo ay ka mid tahay neefsashada adag isbuucyo ama bilooyin ka dib.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 20% dadka laga helay cudurka COVID-19 ay lahaayeen astaamo 5 isbuuc kadib, boqolkiiba 10 waxay astaamaha lahayeen 12 isbuuc kadib, dadka qaar ayay daraasadda sheegtay in astaamohooda ay sii socdeen ilaa 6 bilood ka dib.
Maxaa kaloo keeni karo neefsashada adag?
COVID-19 ma aha waxa kaliya ee keena neefsashada adag, waxyaabaha kale ee keeni karo waxaa ka mid ah:
- Jimicsiyada xooggan
- Walwalka xad dhaafka
- Cudurka neefta
- Cudurrada sambabada
- Burkiitada
Goorta la raadiyo daryeel caafimaad
Sidaa horay usoo sheegnay, dadka qaba COVID-19 si kala duwan ayay ugu imaataa neefsashada adag, mararka qaar ayaa laga yaabaa inay noqoto mid fudud oo la mid ah tan hergabka ama xilliga jimcsiga xooggan la sameenaayo.
Haddii neefsashada adag ay tahay mid dabacsan, waa muhiim in qofka uu joogo guriga oo uu nasto, haddii neefsashada adag ay tahay mid aad u daran, waa inuu qofka raadsadaa daryeel caafimaad oo deg deg ah, calaamadaha lagu garto in neef qabashada ay daran tahay waxaa ka mid ah:
- Qofka inuu dareemo xiiqitaan marka uu neefsanaayo
- Qofka oo aan awoodin inuu qaato neef ku filan
- Qofka oo dareemo xanuun dhanka laabta ah marka uu neefsanaayo
- Qofka oo qufaco marka uu neefsanaayo
Calaamadahaas waxay muujin karaan caabuq aad u daran iyo dhaawac aad u weyn oo soo gaaray sambabada, waxa uuna qofka u baahan yahay in lagu daaweeyo isbitaal.